arabia somali kurdi albania

WAA MAXAY MAANDOORIYU

Boqolaal sano ka hor ayey dadku ogaadeen inay jiraan wax yaabo dabiici ah oo isticmaalkeedu uu ka bedeli karo wax sidii uu ahaa, sida kuwa wax lagu suuxiyo si Aan loo dareemi xanuunka, noocyo kale oo la yidhaa jidhka ayuu dareen firfircooni ah geliyaan iyo waxyaabo kale oo kuwaas la mid ah.
Markii tijaabooyin badan lagu sameeyey ka dib ayey dadku ogaadeen inay wax yaabahan dabiicigaha laftoodu ay keeni karaa dhibaatooyin badan. Waxa kaloo la ogaaday in isticmaalkoodku uu keeni inuu qof la qabsado oo ay noqoto mid aanu ka maarmi karin mustaqbalka. Ka dibna dadku waxay isku dayeen in la soo saaro nooco kale oo ka duwan kana yar xagga waxyeelada qof ama jidhka soo gaadhaysa , kuwaas oo loogu talogalay ka bogashada dhinaca caafimaadka sida: suuxunta iyo xanuun dejinta. In kasta oo haddii si xun loo isticmaalo ay ku keeni karto qofku inuu iska dayn kari waayo oo uu qabatimo.
Laakiin wakhtiga casriga ah ee lagu jiro iyo horumarka dhinaca aqoonta ama cilmiga waxa la ogaaday inay khatar weyn keeni karaan kuwaas. Tijaabooyin xoog leh iyo cilmibaadhis badan ka dib ayaa la xaqiijiyey in mawaadkaas ama maandooriye yaashu ay sabab karaan balaayo aan dhanna looga bixi doonin. Sidaas awgeed ayaa loo soo saaray qawaaniin iyo sharciyo adag oo is hor taagaaya isticmaalka wax yaabaha laga sameeyo iyo sameytiisaba, lamana ogola wixii caafimaad ahaan loo istimaalaayo mooyaane wax kale.
Wakhtiyadii hore waxa laga soo saari jiray maandooriyayaasha geedaha. Kookainka waxa laga soo saari jiray geedka kookaha. Xashiishadda iyo Marajwaanadana geedka Qinib,Herowintana geedka khashkhashka. Laakiin hadda waxaa jiraa noocyo fara badan oo laga sameeyo kimikalis laysku dardaray oo la sameeyey. Haddaba Finland waxaa jira go'aano iyo qawaaniin ka soo baxay maan dooriyayaasha, kaas oo ay soo saartay wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshadda.
Sidoo kale wasaaraddu waxay qaban qaabisaa kulano lagaga wada hadlaayo arrimaha maan dooriyayaasha iyo qawaanin kale oo tibaaxaya sidii loola dagaalami lahaa iyo wax alla wixii la tacalluqa maandooriyaha. Mukhaddaraadku ama maan dooriyaha noocyadiisu way badan yihiin. Waxaana lagu xaqiijiya ama lagu ogaan karaa siyaabo badan. Waxaad ka ogaan kartaa qaarkood qaabka loo sameeyey, qaarna sida ay ka dhigto qofku markuu isticmaalo , qaarna midabkeeda ama se nooceeda.

Noocyada ugu caansan maandooriyu waa 3 qaybood

  • maandooriyaha wax dejiyey, sida herointa
  • maandooriyaha firfircoonida keena , sida kookaakin
  • maandooriyaha wax is qardhaafiya , sida ekstaasi

Qaadashada maandooriyaha se waxaa loo isticmaala qaabab farabadan : ta laysku mudo, tu laysku talaalo.tu la leqo, ta la nuugo. iyo irbadaha xididka la ga qaato.

Boggan iyo mawqican ba waxa aynu ku lafoguraynaa noocyada ugu caansan ee laga heli karo Finaland.

Qinnábis (Xashiishda iyo marajwana iyo saliida xashiishadda)

Qinnabiska waxaa laga soo saaraa saliida qumbo hindiga . Waxana ka sii xoog badan saliilda xashiishadda, xashiishadda, ka dibna morjwaan oo waddanada qaarkood loo yaqaan "Bannujo".

Noociisa:

  • Xashiishaddu waxay u egtahay sidii hinne la qooshay, midabkeeduna waxay u dhaxaysa midabka bunniga ah iyo huruuda ama jaalaha.
  • Marajwaanahuna wuxuu u egyahay sidii caleeyn la qalajiyey.
  • Saliida xashiishadduna waa wax socda oo laga soo saaro geedka Qinnabiska.

Qaabka loo isticmaalaana:
inta badan waa la jidaa oo qiiq ahaan ayaa loo shitaa. Mararka qaarkoodna waa la liqaa.

Wax yeeladiisa:

  • cudur xun oo ku dhaca sambabada.
  • kansarka sambabka oo uu keeni karo.
  • taranka ragga iyo dumarka ayuu hoos u dhigaa.
  • xusuusta xumaata khaasatan dhinaca wax barashada.
  • Dadka muddada deer istimaala oo uu ku keeno cuduro nafsi ah oo aanu qofku kala saari karin waaqica ama xaqiiqada iyo waxa aan jirin.
  • Haweenayda uurka leh e qaadata oo ay dhici karto inay ka soo horaysiiso wakhtigii ay ahayd inay dhasho, ama miisaankeeda oo aad u yaraad.

Sida aad ku qaran karto qofka qaata maandooriyaa

  • Indhaah halka cad oo casaata.
  • Carabka oo weynaada.
  • Fakir la'aan.
  • Awood la'aan
  • Xishood la'aan
  • Qofka maandooriya isticmaala haddii uu gaadhi ama baskeel kexeeyo, wuxuu khatar galin karaa dadka kale.
  • Xashiishadda waxaan lagu garan waayin ur qadhmoon oo ay leedahay taasoo ka soo urta jidka qofka qaata muddo dheer.

Magacyada kuwa isticaamlaa ay u yaqaanin Finland gudaheeda waa:
hasa ,mowhu, dull,(marijuana) totsu, ruohu, bilfi,hambbu,mari, (hasis)

Ofyuun (harawiin, iyo morfiin)

Ofyuunta waxa laga soo saaraa geedaha la yidhaa khashakhaskhka, ka dibna waxay u sii  kala saaraa herawiin, morfiin,koka'iin iyo ofyuumka gaar ah.
Haddaba noocyada ugu caansan ofyuuntu waa herwiinta, oo aanay hawl yareen helitaankeedu finland dhexdeeda. Waayo waxaa laga heli karaa oo qudha dhinaca farmasiiyada oo qudha.
Herowiinta midabkeed waa caddan ama bunni khafiif ah oo ridqan ama budo ah. Dadka isticmaala way isku mudaan ama way shitaan sida sigaarka.
Waxay moodaan inay dareemayaan farxad dheeraad ah , laakiin waxay ku nool yihiin dhalanteed ka fog xaqiiqada.

  • Waxa kaloo lagu gartaa dadka qaata maan dooriyayaasha maahsanaantooda iyo caajis aanay waxba qabsan karin.
  • QofkU marka u mudminka khatartiisu waa farabadan tahay.oo si quwad leh ayey u qabataa.
  • Mar walbana qofka maan dooriya qaataa wuxuu u baahda intii uu markii hore qaadan jiray in ka sii badan oo way la sii macaanaataa.
  • Waa wax haddii uu qofku isku dayo inuu joogiyo aanu ku adkaysan kari , waayo markaaba ´wuxuu keena gareer oo jidhkiisa ayuu ka dreema, taasoo mararka qaarkood ku keenta xanuun, shuban iyo miyir la.aan.
  • Wax yaabaha kale ee lagu garto qofka mudminka ah waxaa ka mid ah
  • Daalitaan iyo itaal daro uu dhaqdhaqaaqiisu uu liito.
  • Carabka oo weynaada
  • Indhaha bu'dooda oo yaraata.
  • Isagoo aan waxba u fiirsan.

Magacyada looga yaqaan suuqyada finland waxa ka mid ah:
opa, mofa, mopo, heopo polle, lumi.

Noocada Amfetamiin

Amfetemiintu waa waxyaabo laysku dardaro oo lagu sameeyo shaybaarada ama lababka dawooyinka aan sharciyasnayn.

Shakalkiisa:
Amfetmiinka waxaa laga sameeyaa fiytam oo waa budo ama waa wax shiidan, mibabkiisuna waa midab khafiif ah. Qaar koona waa xubuub ama kiniin , ama sharaab. Dadka waxay u isticmaalaan siyaabo kala duwan. Qaar sanka ka qaataan , qaar way ursadaan, qaarna xididka ayey ka qaataan.

Waxyeelada uu qofka u geysto

  • firfircooni aan meel gadhsiisneyn oo ay ka dambeyso tiiraanyo iyo murugo.
  • dareen isu hanweynaan . - mararka qaarkoodna qofka qaataa wuxuu dareemaa cadho keenta dagaal. - nasasho la'aan , cunto la'aan, cabitaan la'aan inta ba.
  • maskax wareer iyo cabsi faro badan.
  • naftiisa iyo dadka kale oo uu khatar u yahay
  • khatarta qofka mudminka naqdaa waa badan tahay.
  • U diiditaan iyo is hortaaga qofka mudminka ee qaataa way dhib badan tahay, wuxuu ka dhigaa qofka qaata qof aan kala saarikarin runta iyo riyada.
  • Wuxuu ku keeni karaa qofka qaadta amfetamiinka masxada oo dhiig ku furmo iyo wadnaha oo si xun isu garaaca.
  • Istimaalka irbadda xididku waxay keeni kartaa difaac jidhka oo yaraada iyo cudurka aidska ,iyo cudurada ku dhaca beerka.

Waxyaabaha uu caanka ku yahay ee lagu karan karta

  • Indhaha budooda oo balaadha
  • firfircooni dheeraad ah - dhidid fara badan
  • qofka oo noqda caato
  • jidhkiisa oo ay ka muuqato irbadaha uu isku mudo oo ku reebay nabrow.

Magacyada looga yaqaano suuqyada Finland:
vauti, piri, spiidi, kama.

Akaatasi

Waa noocyada ugu cusub ee la ogaaday inuu mukhadar yahay1977 soo gaadhay suuqyada Finland.

Shakalkiisa:
Maddaama uu yahay wax la sameeyay , shakalkiisu waxa laga dhigi karaa budo, kiniin and sharaab la cabo.

Sida aynu soo sheegnay dadka isticmaalaa waxay ka qaataan sanka oo way ursadaa, haddii kale waxay iskaga mudaan xididka.

Waxyeelada qofka qaataa soo gaadha

  • Waxa qofku ku dareemi karaa 20 ila 60 daqiiqo gudahoo marka uu isticmaalo maandooriyaha.Kolkaas oo uu qofku moodo inuu gaadhay halkii u sareysa. Jidhka qofka se waxay ku jiri kartaa 4 ila 6 saacadood.
  • Wuxuu dareemaa farxad aan meel gaadhsiineen.
  • Wuxuu ku abuuraa isu bogid uu moodo inuu isagu cid walba ka fiican yahay. - wuxuu dareemaa xoog iyo firfircooni dheeraad ah.
  • Maxkasda oo isku darsanta iyo dareemayaasha oo itaal dareeyey-.
  • Cuntada oo uu nafsad u waayo.
  • Daal iyo awood la'aan.
  • Dhidid badan . - Diiqad iyo cadh.
  • Iyo isaga oo aan kala saari karin waxa xaqiiqada ah iyo dhalanteedka aan jirin.

Waxyaabaha lagu garan karo dadka isticmaala

  • Is bedbedal iyo xanaq badan
  • Mararka qaarkood baqdin uu qofku dareemaayo.
  • Is bedel degdeg ah oo kaga dhaca la qbsiga nolosha.
  • Bu'da isha oo balaadhata.

Magacyada looga yaqaano suuqa Finalnd waa:
nami,kiekko,naksu,nipsu, eemeli,esso.

Kookaa'iin

Waxaa laga soo saaraa geedka kookaha, kaas oo laga sameeya maadad la qiijiyo oo loo yaqaan karaak.

Shakalkiisa:
Waa bu'do cad sida daqiiqda ama burka.

Dariiqada ay u qaataana waa:
Ursasho sanka laga qaato, ama sida sigaarka ayaa la shitaa , mararka qaarkoodna xidhidhka ayey iskaga mudaan.

Waxyeelada uu u geesto dadka qaata:

  • Wuxuu siiyaa dareen farxadeed
  • isla weynaan
  • wadanaha oo xoog u shaqeeya
  • daal iyo awood daro
  • dabeecad xumo uu wax walba ka xanaaqi karo ,bila sabab.
  • Kookaa'iintu waxay jidhka qofka ku jirtaa min 20 daqiiqo ilaa 45.ka dibna uu sii jeclaystaa oo wuxu u baahdaa in kale.
  • Wuxuu keena waali iyo isla hadal
  • wuxuu maqla ama arkaa wax aan dadka kale u muuqan oo aan jirin.
  • miyir la'aan iyo maahsanaan
  • yalaalugo iyo matag badan.
  • kalyaha ayuu wax yeeleeya.
  • maandooriyaha uu ku sumoobo karaa, haddii uu qaato wax aad u fara badan. taas oo ku keeni karta inuu miyar doorsoomo,wadnaha oo si xooga ah isu garaaca, iyo naqaska oo qabta.
  • Qofka dumarka ah ee uurka lihi haddii ay qaadato kookain, ilmaha ayaa ka soo dhici kara ama ka dilmi kara. Mararka qaarkoodna wuxuu ilmuhu ka soo horeeyaa wakhtiqii ahayd inuu dhasho.

Waxyaabaha lagu aqoonsado dadka isticmaala

  • wiilka ama budda isha oo balaadha.
  • wadnaha oo aad isu garaaca.
  • werwer iyo xasilooni la'aan.
  • didmo badan iyo canaatan xad dhaaf ah.

Macgacyada looga yaqaan suuqa Finland:
C,kräkki,crack,coke,koksu,kola,kokis.

LSD

Noociisa:
Waa kiniin ama budo sanka laga qaato. Qaarkoodna waxay u eg tahay waraaqo yaryar oo khafiif ah.

Waxyeelada uu soo gadhsiiyo qofka.

  • Dareemayaasha oo uu aad u dhaawaco.
  • Wakhtiga oo aanu dareemin, maahsanaan aanu waxba kale ogayn,
  • Garashadiisa oo aad isu dhinta iyo isagoo waxyaabo aan jirin istusaan una muudaan. - Fakar iyo fiirsasho la'aan .
  • Haweenayda uurka leh ee isticmaasha wuxuu ku keeni karaa ilmaha oo ka dilma,ama wakhtigiisii ka soo hormara uu dhashlan lahaa.
  • Shaqsiyadiisa oo aad isaga bedesha sidii uu ahaan jiray.
  • Nolosha oo riyo la noqota oo uu xaqiinada ka fogaado.
  • cabsi faro badan iyo diiqad , ku keeni karta mararka qaarkood waali.

Wayaabaha lagu aqoonsado dadka isticmaala.

  • cuntado uu ka go'o ama nafsad la'aan.
  • yalaalugo joogto ah - dhidid faro badan
  • dhaqdhaqaaq darro iyo caajis - neefsasho iyo hiinraag.

Magacyada looga yaqaan suuqa finland:
blue heavan,naksu,happo,trippi matka.

 

Ogoow Cadowgaaga Waa maxay maandooriyu Jidka haadaanta Idmaanka ka dib Dambiyada la xidhiidha Balaayooyinka ku habsada qofka mukhdaraadka qaata Mukhdaraatku waa mamunuuc talooyinka waaya aragga Waxyaabaha Lagu Garan Karo Maxaa xal ah?