arabia somali kurdi albania

TALOOYINKA WAAYA ARAGGA

Waalidiin badan baa u maleeyay dadka maandooriyaha ka ganacasadaa inay yihiin dad laga baqayo oo aan cidi aqoon oo caruurta u taagan wadaayinka . Laakiin ma filayaan inay khatartu tahay mid ka dhow oo ay ka heli karaan saaxiibadooda dugsiga la dhigta ama ay isku xaafadda yihiin . Marka waxaa laga ma maarmaan ah inuu waalidku lilaaliyo caruurtoodu cida ay la saaxiibayso ama ay la socdaan. Sida ugu haboon ee aad caruurtaada uga daryeeli kartaa mukhadaraatka iyo mahlakadiisa waa adiga si fiican u ogada qaabka ay u dhaqmaan guriga iyo debedaba oo la sheekaysta oo iyaga saaxiib la noqda. Laakiin hadii ay dhaco qoysku uu ka shakiyo in qof ka mid ihi uu qaato maan dooriya, waa in la hubsada marka hore inay run tahay iyo in kale haddii ay xaqiiqa noqoto waxa lagama maarmaan aha in la helo sidii looga bixi lahaa dhibaatadan.

  • haddii ay noqoto in waalidku marka uu la sheekaysto ilmahiisu uu u xeeli bixi waayo oo uu diido in la caawiyo, waxa muhiim ah in uu waalidku la kaashada dad khibrad leh oo caawiya.
  • in kasta oo laga yaabo inuu qoysku arrintaas ka qaado shoog , hadana waxaa haboon in la helo sidii loo daween lahaa inta aanu gaadhin meel aanu ka soo noqon karin.
  • waa in aan loo ogolaan caruurta wax yaabaha dhibtaabo xagga caafimaadka ah ku keeni kara sida: sigaarka , khamriga. Mar wal oo waalidku uga digo dhibaatada ay leeyihiin ba, waxa suurto gal ah inay sii nacaan oo ay ka sii fogaadaan.
  • isu soo dhawaanshah xidhiidhka waalidka iyo caruurtood oo xoogaystaa waxay ka badbaadisa ubadka dhibaatooyin fara badan.
  • dugsiga iyo guriga oo isku xidhma oo iska war hayaana waxay fududaysaa ogaanshaha si fudud lagu ogaanaayo haddii uu ardaygu wax qaato.

Ogoow Cadowgaaga Waa maxay maandooriyu Jidka haadaanta Idmaanka ka dib Dambiyada la xidhiidha Balaayooyinka ku habsada qofka mukhdaraadka qaata Mukhdaraatku waa mamunuuc talooyinka waaya aragga Waxyaabaha Lagu Garan Karo Maxaa xal ah?