arabia somali kurdi albania

OGOOW CADOWGAAGA

Ma jirto wax ka wanaagsan in aad ogaato wixii dhibaato kaaga iman karto ee dhibaato kuu  keeni si aad uga sii digtoonaato dhibaatooyinka kaaga iman karaa iyo wax yeelada ka soo gaadhi kartaa maandooriyaha ama mukhdaraadka.
Sidaas darteed ayaa boggan laguu gu soo diyaariyey jaangooyo iyo war bixin loogu talogalay dhalinyarada iyo waalidoodaba.
Waayo dhalinyarada waansan ee og lama khiyaamayn karo oo maskaxda loogama xadi karo *maandooriyu waa wax kugu abuura farxad iyo dareen riyo ah.
Dhandhamo qudha ayey ku noqdeen qaar badan laga quusay oo ay nolosha kaga dhaceen, boqolaal kalena ay ku habsatay balaayo aan si ay uga baxaan jiran.
Sidaas darteed waxa muhiim ah inay waalidku ogaadan oo ay bartaan dhibaatada uu maandooriyuhu leeyahay sidii ay ubadkooda uga badbaadin lahaayeen una wacyi galin la haayeen, iyo sidii ay uga digtoonaan lahaayeen inay ku dhacdo khatartaasi ubadkooda ay jecel yihiin.

Boggan wuxuu ka kooban yahay:

  • Macluumaat ka hadlaaya maandooriyayaasha ugu badan ee ku caanka ah Finland. Noocyadeeda,dhibaatada ay qofka u geysato, sida loo isticmaal, sida aad ku ogaan karto qofka isticmaala maandooriyaa.
  • Sababaha u hogaamiye qofka dunidda maandooriyayaasha .
  • Sida uu qofku ku bilaabo qaadashada maandooriyaha
  • Maandooriyuhu marka uu qofku qadatimo sida u dhibaato ugu geysato nafta iyo jidhka ba.
  • Maandooriyaha iyo qaynuunka ama sharciga
  • Maandooriya waxay diinta islamku ka qabto.
  • Ayatiin xumada maandooriyaaha.
  • Tallooyinka dadka khibradda u leh .
  • Arrimo werwer leh
  • Wuxuu kale oo boggani kaaga jawaabayaa : wixii aad sameyn lahayd haddii uu "faashku madaxa kaa haleelo", ama uu qof kale oo aad jeceshahayba aad ku tuhunto inuu maandooriyaha isticmaalo.
  • Iyo waliba sidii aad internetka uga heli lahayd maclluumaad iyo meelo afka Finniishka iyoCarabiga ku qoran kuwaas oo dhammaantood ka hadlaaya dhibaatada uu maandooriyuhu leeyahay iyo sidii looga hor tegi laha.

Ogoow Cadowgaaga Waa maxay maandooriyu Jidka haadaanta Idmaanka ka dib Dambiyada la xidhiidha Balaayooyinka ku habsada qofka mukhdaraadka qaata Mukhdaraatku waa mamunuuc talooyinka waaya aragga Waxyaabaha Lagu Garan Karo Maxaa xal ah?