MUKHDARAATKU WAA MAMUNUUC
Qaynuunka dalka Finland waxa lagu qaadaa qof kasta oo
sameeyey ama diyaar kareeyaa maandooriye ama mukhadraatka,
ama soo waarida ka ganacsada ,iibiya, beera , haysta,
u qaybiya ama u wasaca kuwa kale ee qaata, ama isticmaala.
Qaynuunkunu uu ciqaabayaa qof kasta oo laga helo wax ka
mid ah waxyaabaha aynu soo sheegnay mid ka mid ah, kuwaas
oo qofka u taxaaba jeelka. Marmarka qaarkoodna haddii
dembiga lagu qabtay uu weyn yahay ama nooca mukhdaraatka
lagu qabtay uu yahay mid badan ay u soo jiido xadhiga
muddo dheer ah. Sidoo kale haddii ay ku cadaato inuu qofku
ka iibiyo ama uu siiyo qof da' yar ah oo caruur ah iyana
waa dembi weyn. Dawladaha kale ee adduunka oo dhan waxay
leeyihiin qawaaniin diidan oo la dagaalanta mukhdaraatka
, inkasta oo ay ku kala duwan yihiin ciqaabta lagu ciqaabo.
Dawladaha qaarkood nafta ayey ka jaraan qofka lagu soo
oogo ama uu ku cadaado dembigaasi. Qofka lagu qabto dembiga
waxa lagu ciqaaba meesha ama wadanka uu demiga u sameeyey
. Sidaas darteed haddii qof Finnish ah lagu qabto dal
kale isagoo mukhdaraat gelinaaya ama ku iibnaaya. Jinsiyadda
ama baasaaboorku Finnishku waxba uma qabanayso oo laga
saamiximaayo.
Degiin: Poliisku waxa ay had iyo jeer uga digaan inay
qaadaan ama ay la safraan wax yaabo ama alaabo aanay garanaynin
cidda leh, waayo dadka mukhdaraatka ka baaca mushtareeya
yaa jecel inay had iyo jee ka faa'iidaystaan dadka aan
waxba ogayn iyagoo ka codsanaaya inay u dhaafiyaan alaabadooda
xuduudadda. Ka dibna qofka ay dhibaatadu soo gaadhaa waayo
hadba waa qofka lagu qabto oo qudha , mana fudud sida
loo helo wax u marxaati fura in aanu lahayn ee loo soo
dhiibtay , waayo qofna ma rabo inuu mushkilad isu soo
jiido. Dembiile: qofka mukhadraat awgeed lagu helo dembiyo
waawyen waxa lagu qoraa buugga dembiilayaasha ,oo aan
laga baabiin karin mararka qaarkood 20 sano ama ila uu
ka dimto.
Heshiiso caalami ah: Adduun weynaha waxa u yaala heeshiis
ku saabsan la dagaalanka mukhdaraatka , kaas oo ay soo
saartay jimciyada qurumaha ka dhexaysa, kaas oo mamnuucaaya
wax soo saarka mukhdaraatka haba yaraatee, ila wixii kolka
ujeedo cilmi ah ama caafimaad looga dan leeyahay mooyaane.
Finlandna waa xubin ka mid ah kuwa ku jira ama galay heshiisyadaas,
kuwaas oo assaas u ha saddex heshiis ee laysu waafaqay.
Sidoo kale waa heshiis ay ka simanyihiin dawladaha midowga
reer Yrub iyo adduunyada inteeda badani.
Heshiisyadaas oo ah:
|