TALOOYINKA WAAYA ARAGGA
Waalidiin badan baa u maleeyay dadka maandooriyaha
ka ganacasadaa inay yihiin dad laga baqayo oo aan cidi
aqoon oo caruurta u taagan wadaayinka . Laakiin ma filayaan
inay khatartu tahay mid ka dhow oo ay ka heli karaan
saaxiibadooda dugsiga la dhigta ama ay isku xaafadda
yihiin . Marka waxaa laga ma maarmaan ah inuu waalidku
lilaaliyo caruurtoodu cida ay la saaxiibayso ama ay
la socdaan. Sida ugu haboon ee aad caruurtaada uga daryeeli
kartaa mukhadaraatka iyo mahlakadiisa waa adiga si fiican
u ogada qaabka ay u dhaqmaan guriga iyo debedaba oo
la sheekaysta oo iyaga saaxiib la noqda. Laakiin hadii
ay dhaco qoysku uu ka shakiyo in qof ka mid ihi uu qaato
maan dooriya, waa in la hubsada marka hore inay run
tahay iyo in kale haddii ay xaqiiqa noqoto waxa lagama
maarmaan aha in la helo sidii looga bixi lahaa dhibaatadan.
- haddii ay noqoto in waalidku marka uu la sheekaysto
ilmahiisu uu u xeeli bixi waayo oo uu diido in la
caawiyo, waxa muhiim ah in uu waalidku la kaashada
dad khibrad leh oo caawiya.
- in kasta oo laga yaabo inuu qoysku arrintaas ka
qaado shoog , hadana waxaa haboon in la helo sidii
loo daween lahaa inta aanu gaadhin meel aanu ka
soo noqon karin.
- waa in aan loo ogolaan caruurta wax yaabaha dhibtaabo
xagga caafimaadka ah ku keeni kara sida: sigaarka
, khamriga. Mar wal oo waalidku uga digo dhibaatada
ay leeyihiin ba, waxa suurto gal ah inay sii nacaan
oo ay ka sii fogaadaan.
- isu soo dhawaanshah xidhiidhka waalidka iyo caruurtood
oo xoogaystaa waxay ka badbaadisa ubadka dhibaatooyin
fara badan.
- dugsiga iyo guriga oo isku xidhma oo iska war
hayaana waxay fududaysaa ogaanshaha si fudud lagu
ogaanaayo haddii uu ardaygu wax qaato.
|